Friday, May 1, 2026
28.3 C
Mogadishu

Maxaa ka ogtahay Sababta taliyaha qeybta booliska Nugaal shaqada looga joojiyay?

Muumin Cabdi Shire

Nugaal (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Nugaal ayaa sheegaya, in shaqada laga joojiyay Taliyaha Qaybta Booliska Nugaal, kadib khilaaf isaga iyo Taliyaha Booliska Puntland soo kala dhex galay.

Muumin Cabdi Shire ayaa waxaa shaqada ka joojiyay Taliyaha Booliska Puntland Muxiyaddiin Axmed Muuse.

Wareegtada shaqada looga joojiyay Sarkaalkaan ayaa la ogeysiiyay Madaxweynaha Puntland, waxaana lagu eedeeyay Sarkaalka amar diido inuu sameeyay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland ayaa sheegay khilaaf soo socday isbuucyadii la soo dhaafay inuu sababay shaqo joojinta lagu sameeyay Sarkaalkaan.

Wali kama uusan hadlin Sarkaalka shaqo joojinta lagu sameeyay talaabada uu ku kacay Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jeneraal Muxudiin.

Xafiiska Wararka Halaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...