Tuesday, April 21, 2026
28.4 C
Mogadishu

Maxaa ka ogtahay Heshiiska caalamiga ah oo ay gashay Somaliland, kadib mashruucii Eng. Yariisow? (Ogow Wax badan)!

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa heshiis cusub oo dhinaca horumarinta ah la saxiixday dowladda Ingiriiska, kadib markii ay dhowaan Somaliland ka hortimid mashuruuc loogu magac daray marxuum Injineer yariisow, kaas oo laga fulinayo magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera.

Heshiiskan ayaa waxaa dowladda UK u qalinka ugu duugay madaxa hay’adda DFID, Mr. Damon Bristow.

War ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu faah faahiyey waxyaabaha uu la xariiro heshiiskaasi.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Qaraalka ayaa lagu sheegay in heshiiska wajigiisa labaad ee kaalmada Britain ay kaga qayb qaadaneyso sanduuqa hormarinta Somaliland iyo sidoo kale kobcinta kheyraadka Tamarta ee maamulkaasi.

Heshiiskani ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu xafiiskiisa kula kulmay safiirka UK ee Soomaaliya, Ben Fender.

Labada ma’suul ayaa ka wada hadlay arrimo la xariira wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland

Xafiiska Hal qaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...