Nairobi (Halqaran.com) – Wargeyska Nation ee ka soo baxay dalka Kenya ayaa daabacay in markii Afaraad ay dowladda kenya ka codsatay maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ in dib loo dhigo kiiska badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.
Dhageysiga Kiiska Badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa maxkamadda horay u shaacisay in la qaadayo 15-ka Bisha Maarso ee sanadkan 2021, waxana Kenya ay u muuqataa mid dooneysa in wada-hadal hoose lagu xaliyo kiiska Badda.
Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ayaan weli kasoo jawaabin codsiga ay u gudbisay Kenya, hayeeshee waxaa horay u jirtay in dhowr jeer ay Kenya dalbatay in kiiska badda dib loo dhigo Maxkamadana ay ka aqbashay.
Dalabkan ay Dowladda Kenya u gudbisay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ah in dib loo dhigo kiiska dacwadda Badda ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli dhawaan la bedelay Madaxweynihii Maxkamadda ICJ Cabdulqawi Axmed Yusuf oo Soomaali ahaa laguba bedelay Haweeney Mareykan ah.
Xafiiska Wararka Halaqaran.com
Halqarannews@gmail.com





