Saturday, April 18, 2026
29.4 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo sheegtay in howlgal ay ku qabteen 5 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab

Jowhar (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal lagu qabtay ilaa iyo Shan xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.

Shantan qof oo lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayay ciidanka xoogga dalka qabteen, kadib markii howlgal ka sameeyeen deegaano dhanka bari kaga beegan degmada Jowhar, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.

Ciidanka howlgalka sameeyay ayaa ka soo roqaansaday fadhiisamo dhowr ah oo ay kamid yihiin, Jowhar, Ceel-Baraf, Xawaadley iyo goobo kale.

Ururka Al-Shabaab ayaa laga saaray deegaano dhowr ah, oo ay kamid yihiin; Baloog, Shamiito, Jiliyaale, Buulo-dheer, Qajafeey, War-ciise iyo kuwo kale, saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in ay hub ka furteen Al-Shabaab.

Sidoo kale, ciidamada ayaa waxaa ay fashiliyeen qaraxyo Al-Shabaab ku aaseen waddooyinka isku xira deegaannada howlgalada laga fuliyay. Waxaa howlgalka si wadajir ah u fuliyay ciidanka xoogga dalka qeybta 27 aad, kumandooska DANAB, Harmacad iyo kuwa Hirshabeele.

Ugu dambeyn, deegaannada howlgallada laga sameeyay ayaa dhammaan waxaa ay hoos tagaan degmada Jowhar, qiyaastii 30km ayay u jiraan, waana deegaanno ahmiyad balaaran leh oo Al-Shabaab in muddo ah maamulayay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...