Friday, May 29, 2026
26.9 C
Mogadishu

Maxaa baajiyay kulankii Xildhibaannada Golaha Shacabka? iyo Guddoomiye Aadan Madoobe oo farriin adag u diray Xildhibaannada.

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaannada Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya ayaa Sabtidii maanta lagu waday inay kulanoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta ay ku shaqeeyaan ee Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, balse kulankaasi ayaa baaqday.

Kulankii Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa u baaqday sababo la xiriira kooram la’aan, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Golaha Sheekh Aadan Maxamuud Nuur Madoobe oo farriin u adag u diray Xildhibaanadii soo xaadiri waayay kulankii baaqday.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee aan soo xaadirin fadhiyada Golaha ka dalbaday inay gutaan waajibaadkooda shaqo ee laga doonayo, isagoona sheegay in uusan yeeli doonin habdhaqanka Xildhibaanada.

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray Guddoomiye Aadan Madoobe in Xildhibaanada iska maqana lala xisabaatami doono, isla markaana uu qaadayo tallaabo, uusana dooneynin in sharciga lagu tunto.

“Sidaan haddii uu kusii socdo Baarlamaanka ma shaqeyn karno. Xildhibaanada waxaan u sheegayaan inay ka waantoobaan inay ka maqnaadaan shaqada, Ma’aha in sharciga innoo yaallo lagu ciyaaro, waxaana dirayaan farriintii u dambeysay,” ayuu yiri.

Ajendaha kulankii baaqday ee Golaha Shacabka ayaa waxaa uu ahaa Akhrinta koowaad ee Hindise sharciyedka Hey’adda Sirdoonka oo khamiistii lasoo dhaafay ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...