Sunday, November 9, 2025
28.2 C
Mogadishu

Masar oo 240 Tan Shixnad gargaar ah soo gaarsiiyay Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – War qoraal shalay la soo dhigtay Barta Facebook ee wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Masar ayaa lagu sheegay in Markab waday Shixnadaasi uu ku soo xirtay Dekedda Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu xusay in Munaasabadda lagu kala wareegay Shixnadaasi ay goobjooge ka ahaayeen Safiirka Masar u jooga Muqdisho, Ambassador Maxamed Al-baas iyo Wasiirka Caafimaadka ee XFS, Dr. Cali Xaaji Aadam iyo tiro Mas’uuliyiin ka kala socday Xukuumadda Somaaaliya iyo Wakiil ka socday Ururka Bisha Cas ee Somalia.

Shixnada deeqda ee la soo gaarsiiyey Xukuumadda oo Guud ahaan dhan 240 Tan waxay isugu jireen Cunto, Qalab Caafimaad iyo qeybo kale oo Gargaar Samafal.

Dhanka kale,  Wasiirka Caafimaadka XFS, waxa uu ka mahad celiyey Deeqdaasi oo ay Dowladda Masar ugu tala-gashay in wax looga qabto Macluusha ka jirta dalka.

Shixnada Gargaarka ee ka timid Masar ku soo beegantay xilli uu soo hagaagayo Xiriirka labada Waddan oo horey u dayacmay Xilligii Dowladii hore ee afartii sano ee la soo dhaafay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
HalQarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...