Sunday, November 9, 2025
28.2 C
Mogadishu

Somaliland oo amar ku bixisay in gabi ahaan Internet-ka laga jaro magaalada Laascaanood

Laascaanood (Halqaran.com) – Warar naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Soomaaliga ay maanta si xoog ah kula wareegeen xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Telesom ay ku leedahay magaaladaas.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa muddo toddobaad ah ka soconaya bannaanbaxyo rabshado wata oo ay dhigayaan shacabka.

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidamada ay ku amreen in la jaro Isgaarsiinta magaalada Laascaanood iyo deegaannada hoostaga, waxaana Sawiro laga soo qaaday lagu arkayay ciidamada oo ku hareereysan Xarunta Shirkadda, qaarkoodna ay gudaha u galeen.

Dad goobjoogayaal ayaa soo sheegaya, in sababta loo weeraray Xarunta Shirkadda Isgaariinta Telesom ay tahay in Internet-ka magaalada Laascaanood la jaro si aan loo ogaan dhibaatada ay Shacabka u geysanayaan ciidamada Somaliland.

Si kastaba ha’ahaatee, shacabka bannaanbaxa dhigayay ayaa dalbanayay in ciidanka Somaliland ay ka baxaan dhulkooda gobalka Sool, xilli Isimadda gobalka ay ku dhawaaqeen in maamulkaas uga baxo dhulkooda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...