Thursday, March 12, 2026
26.7 C
Mogadishu

Mareykanka oo soo dhaweeyay Kacdoonka dalka looga xorreynayo Al-Shabaab

Muqdisho (Halqaran.com) – Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Larry Andre ayaa sheegay inay taageersan yihiin kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Gobollada dalka, kaas oo ay hormuud u yihiin Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka ee is abaabulay lana dagaalamaya Al-Shabaab.

Danjire Larry Andre ayaa sheegay in loo baahan yahay beelaha Soomaaliyeed inay iska kaashadaan sidii loo cirirb tiri lahaa ururka Al-Shabaab, si looga gudbo dhibaatooyinka ay horseedeen ee saameeyay guud ahaan Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab uu yahay mid lagu tijaabinayo awooda ay beelaha u leeyihiin inay iska dul qaadaan ugana guuleystaan.

“Soomaalidu ma waxay u dhaqmi doontaa midnimo? Ma midnimadooda ayay muujinayaan? Ma waxay muujinayaan inay yihiin qaran Soomaaliyeed mise waxay muujinayaan in Soomaaliya ay tahay qabiilo la soo ururiyay, waxaan ula jeedaa in beel ka mid ah beelaha dega Hiiraan ay ku daashay dagaalka halka beelaha ay iska fadhiistaan oo ay daawanayaan, oo aysan iyagu dagaalka gelin. Bulshadu waa inay xifaaltankooda meel dhigaan oo ay yiraahdaan annagu hal dan ayaanu leenahay dhammaanteen,”ayuu yiri safiirka Maraykanka Andre.

Ugu dambeyn, hadalka Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Larry Andre ayaa ku soo aadaya xilli meelo badan oo kamid ah gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ay ka socdaan dagaalo iyo kacdoon ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, iyada oo Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ay la wareegeen degaano dhowr ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...