Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa Axadda maanta ah xaruntiisa ku booqday Dr. Cabdiraxmaan Xasan Cawaale (Dr Xabeeb) oo maalmahaan xanuun dhanka maskaxda ah la dalaa dhacaayay.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay, in Dr. Xabeeb lagu amaanayo daddaalka iyo juhdiga uu ku bixiyay in xaruntiisa ku daweeyo boqolaal Soomaali ah, oo Dadka xanuunka dhimirka la il-daran ah.
”Waxaan gacan weyn ka geysan doonaa sidii uu Dr. Xabeeb u heli lahaa daryeel Caafimaad, Maadama maanta asiga bukaan yahay Culees badanna uu ka haayay dadka Soomaaliyeed”
Dr. Xabeeb ayaa ahaa dhaqtar daweeya Xanuunada ku dhaca dhimirka, waxa uuna xanaanno iyo Dawo isugu darijiryay boqolaal shacabka Soomaaliyeed ah oo ku sugan goobtiisa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





