Sunday, March 15, 2026
27.2 C
Mogadishu

Mareykanka oo gurmadkii ugu horreeyay oo caafimaad soo gaarsiiyay Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Deeqdan caafimaad oo  ah deeqdii  ugu horeysay ee noooceeda ah ee ka timid Dowladda Mareykanka ayaa Isniintii maanta  lagu wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, taasi oo  loogu talagalay in lagula tacaalo cudurka Coronavirus (COVID-19) oo dhibaato ku haya caalamka.

350 sariirood, firaashyo iyo qalab kale oo looga hortagayo xanuunka Coronavirus ee dhibaatada ku haya caalamka ayey ka koobantahay, taasi oo kaalin weyn ka qaadaneysa xakamenta cudurka, waxaana dowladda Mareykanka ay usoo marisay hey’ada USAID oo ka mid ah hey’adaha caawiya Soomaaliya.

Mukhtaar Yuusuf Cirro oo ka mid ah masuuliyiinta hey’adda Mareykanka ee arrimaha gar gaarka oo ku wareejiyay deeqan Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay tahay mid loogu talagalay inay dowladda Soomaaliya kaga hortagto cudurka COVID-19.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Soomaaliya Dr. Fowsiya Abiikar Nuur oo qabaka la wareegtay ayaa uga mahadcelisay hey’adda USAID oo deeqada soo gaarsiisay, waxaana ay tilmaamtay in Wasaaraddu ay ku howlantahay sidii loo xakameyn lahaa xanuunka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.colm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...