Friday, April 17, 2026
28.8 C
Mogadishu

Mareykanka: Nin toogtay Dhaqtarkiisa iyo Dad kale oo shacab ah

Tulsa (Halqaran.com) – Booliska dalka Mareykanka ayaa sheegay in nin hubaysnaa oo toogasho ka gaystay isbitaal ku yaalla magaalada Tulsa ee gobolka Oklahoma uu bartilmaameedsaday dhakhtar isaga horay u daaweeyay.

Ninkan ayaa halkaas ku dilay Afar qof oo isugu jiray saddex ka mid ah shaqaalaha isbitaalka iyo ruux bukaan ah.

Dr Preston Phillips oo ninka falka gaystay ku sameeyay qalliin dhabarka ah ayaa ka mid ah dadka halkaas ku geeriyooday, sida ay saraakiisha boolisku sheegeen.

Wararka ayaa sheegaya in ninka toogashada fuliyay uu dhakhtarka ugu xanaaqsanaa xanuun uu dareemay markii qalliinka lagu samaynayay.

Booliska ayaa dadka kale ee dhacdadaas lagu dilay magacyadooda ku kala sheegay: Dr Stephanie Husen, Amanda Glenn iyo William Love.

Eedeysanaha qudhiisa ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray rasaas uu isagu isku dhuftay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...