Friday, April 17, 2026
28.8 C
Mogadishu

Madaxweyne Xasan oo Galmudug ugu baaqay inay bilowdo mashruuc Al-Shabaab la’isaga xorreynayo

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Sooomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee dib u dhigtay nolasha shacabka Soomaaliyeed ay tahay amni darrada iyo falalka  ay maleegaan Al-Shabaab,

Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay sida shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooduba ay maanta ugu taagan yihiin in ay wadajir uga xorreeyaan dalka.

“Muwaadinka Soomaaliyeed caawa gurigiisa in uu nabad ku gam’o ayaan rabnaa, marka uu safrayo oo uu waddada marayo goormaa miino kula qarxeysaa in aanu is dhihin baan rabnaa, saaka hooyo waa baxdaye, nabad maku soo noqoneysaa carruurtu in aysan is dhihin baan rabnaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu hoosta ka xariiqay madaxweynaha, in dowladdu billaabi doonto guluf ka dhan ah  Al-Shabaab, si dadka Soomaaliyeed looga xorreeyo, sidaas daraaadeed, waxa uu Galmudug ugu baaqay in ay hormuud ka noqoto qorshahaas.

“Waxaan rabnaa Galmudug in ay bilowdo mashruuca Al-Shabaab la’isaga xorreynayo, kaddibna dadka kale ay ku daydaan.” Ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha JF Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kula dardaarmay madaxda dowladda iyo dadka Galmudug in ay ka digtoonaadaan khilaafaadka, quluubtana isu furaan oo ay gacmaha is-qabsadaan si ay horumar buuxa uga hirgeliyaan deegaankooda, nolol wanaagsanna ugu abuuraan ubadkooda.

Isku soo wada duub, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad soo dhaweyn ah oo xalay Maamulka Galmudug u ugu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...