Madaxweynihii Sudan ee xilka xoogga looga tuuray ‘Al-Bashiir’ oo maanta Maxkamad la soo taagay (Maxaase lagu eedeeyay!)

Madaxweynihii dhawaan laga tuuray xukunka Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir, ayaa maanta lasoo taagay maxkamad ku taalla magaalada Khartoum.

Al-Bashiir ayaa wajahaya eedeymo loo heysto oo ku qotoma musu-maasuq.

Hoggaamiyahan 75 jirka ah ayaa xukunka dalkaas laga tuuray bishii Abriil ee sanadkan kaddib markii dalkaasi ay ka dheceen dibad baxyo looga soo horjeedo inuu dalka sii hoggaamiyo.

Xafiiska dacwad oogaha ayaa ku war geliyey Al-Bashiir inuu wajahayo dacwado la xiriira “haysashada lacag qalaad, musuq-maasuq iyo haddiyado uu si sharci darro ah ku qaatay.”

Hoggaamiyaha millatariga ee hadda xukuma Sudan, janaraal AbdulFattah al-Burhan ayaa sheegay in hoyga al-Bashiir laga helay 113 milyan oo dollar oo ah kaash ka kooban saddex nooc oo lacago qalaad ah.

Dacwad oogaha guud ayaa sidoo kale sheegay in Al-Bashiir lagu soo oogay dacwado la xiriira dilka dad shacab ah, intii ay socdeen dibad-baxyada ka dhanka ah maamulkiisa, ee ugu dambeyn sababay in xukunka laga tuuro.

Xukunkii al-Bashiir ee soo jiray muddada 30-ka sano ah ayaa soo gabagaboobay kaddib markii bishii Diseembar ee sanadkii tagay ay dadweynaha dalkaasi billaabeen dibad baxyo ay uga cabanayeen sare u kac ku yimid qiimaha qiimaha lagu iibsado rootiga.

Al-bashiir ayaa lagu xasuustaa intii uu dalkaasi hoggaaminayay in Suudaan ay lasoo gudboonaatay burbur dhaqaale, kala qeybsanaanta Suudaan, iyo cunaqabateyn ragaadisay nolosha iyo horumarka dalkaas.

Xafiiska Halqaran.com, Khartoum
Halqarannews@gmail.com