Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaannada Golaha shacabka ee BF Soomaaliya ayaa xarunta Villa Hargeysa ku yeeshay kulan, kaasi oo uu hortagey madaxweynihii hore ee DF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Kulankan ayaa waxa uu ajendihiisu ahaa doorashada Guddoomiyaasha Guddiyada joogtada Golaha shacabka iyo dhaarinta Madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka ayaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ahaa Madaxweynihii hore ee dowladda u dhaariyay inuu noqdo Xildhibaan Abadiya ah ah oo ku noqonaya Golaha Shacabka 277, isaga iyo Madaxweynaha xilligan Xasan Sheekh Maxamuud oo la dhaariyay sanadkii 2017.
Kulanka inta uusan billaaban ayaa waxaa Xildhibaano uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ay Guddoonka u gudbiyeen Mooshin ay ku dalbanayeen in aan la dhaarin Farmaajo, balse Cod gacan taag ah oo loo qaaday ayaa markii dambe lagu dhaariyey Farmaajo.
Si kastaba, Qodobka 64aad farqadiisa 4 ee Dastuurka KMG ayaa waxaa uu dhigayaa in qof kasta oo noqda Madaxweynaha JF Soomaaliya marka uu xilka banneeyo inuu noqonayo Xildhibaan Golaha Shacabka inta uu nool yahay haddii aan xil ka qaadis lagu sameyn, iyadoo mudda xileedkiisa dhammaan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





