Saturday, May 2, 2026
28.7 C
Mogadishu

Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabawe Robert Mugabe oo geeriyooday

Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe, Robert Mugabe oo geeriyooday

Zimbabwe (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabawe Robert Mugabe ayaa geeriyooday, kadib xanuun muddo badan haayay, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah eheladiisa oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta Caalamka.

Robert Mugabe ayaa in ka badan 30 Sanno Madaxweyne ka ahaa dalka Zimbabawe, waxaana xilka looga qaaday afgembi militari bishii November ee sannadkii 2017-kii, taasoo soo afjartay xukunkiisii socday in ka badan 30 sano.

Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe da’diisa waxay aheyd 95 sano jir, Wuxuu dhashay 21-kii February 1924, xilligaas oo Zimbabawe loo garanayay Rhodesia, waxaana uu xabsi ku jiray in ka badan 10 sano ka dib markii uu eedeeyay dowladdii Gumeystaha ee Rhodesia, sannadkii 1964-tii.

Mr. Mugabe ayaa sannadkii 1973-dii isagoo xabsi ku jira loo doortay madaxweynaha xisbiga Zanu ee Zimbabawe, kaasoo uu ka mid ahaa aasaasayaashiisa.

Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...