Thursday, May 28, 2026
26.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Xasan oo saxiixay wareegtada magacaabista taliyaha ciidanka XD Somaliya iyo…

Muqdisho (HalQaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Wareegtada lagu magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyaha Ciidanka Lugta Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali, isagoo tixraacaya qodobbada 87-aad, 90-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Lr. 15 ee soo baxay 1960 kuna saabsan Dhismaha Ciidanka Xooga Dalka.

Mudane Xasan ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo mas’uuliyad adag oo ku saabsan xorreynta dalka.

Madaxweynaha JFS ayaa bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo argagixisada Al-Shabaab.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Taliyaha Cusub Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin in uu halkaas ka sii amba-qaado dagaalka dalka lagaga xorreynayo argagixisada Al-shabaab iyo dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Si kastaba, xeerkan Madaxweyne ayaa ku dhaqan-galay Isniinta maanta ah, 19-ka Jannaayo 2023, saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...