Madaxweyne Xasan oo saxiixay wareegtada magacaabista taliyaha ciidanka XD Somaliya iyo…

Muqdisho (HalQaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Wareegtada lagu magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyaha Ciidanka Lugta Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali, isagoo tixraacaya qodobbada 87-aad, 90-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Lr. 15 ee soo baxay 1960 kuna saabsan Dhismaha Ciidanka Xooga Dalka.

Mudane Xasan ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo mas’uuliyad adag oo ku saabsan xorreynta dalka.

Madaxweynaha JFS ayaa bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo argagixisada Al-Shabaab.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Taliyaha Cusub Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin in uu halkaas ka sii amba-qaado dagaalka dalka lagaga xorreynayo argagixisada Al-shabaab iyo dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Si kastaba, xeerkan Madaxweyne ayaa ku dhaqan-galay Isniinta maanta ah, 19-ka Jannaayo 2023, saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com