Sunday, March 15, 2026
29.3 C
Mogadishu

Israa’iil oo weerar xasuuq ah ka geystay xerada Jenin ee dhulka Falastiin

Jenin (HalQaran.com) – Ciidamada Israa’iil ayaa weerar ku qaaday xerada qaxootiga ee Jenin, halkaas oo ay ku dileen saddex falastiiniyiin ah, islamarkaana ay ku dhaawaceen ugu yaraan 29 kalena.

Weerarka ayaa dhacay aroore hore Isniinta maanta ah, waxaana askarta Israa’iil ay gudaha u galeen xerada, iyagoo adeegsaday rasaas nool, bam-gacmeedyo iyo gaaska sunta ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Wafa.

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa magacyada dadka dhintay ku sheegtay Khaled Darwish 21, Qassam Sariya 19, iyo Ahmed Saqr 15-jir.

Milateriga Israa’iil ayaa la sheegay in ay raadinaayeen dad lagu tuhmat in ay joogeen xerada qaxootiga ee Jenin,waxaana halkaasi ka dhacay rasaas xoogan oo ay isweydaarsadeen kooxaha Falastiin iyo ciidamada Israa’iil .

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...