Tuesday, May 26, 2026
26.3 C
Mogadishu

Madaxweyne Xasan oo kormeeray Wasaaradda Maaliyadda iyo Xarunta Bankiga ee Puntland +SAWIRRO

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray xarunta wasaaradda maaliyadda Puntland.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi iyo madaxda kale ee Wasaaradda ayaa madaxweynaha iyo Waftigiisa ku soo dhoweeyay xarunta Wasaradda.

Wasiirka wasaaradda Xasan Shire Cabdi ayaa uga warbixiyay madaxweynaha qaabka ay u shaqeyso wasaradda iyo shaqada ay bulshada u hayso, iyada oo uu madaxweynuhu kormeeray xafiisyada kala duwan ee Wasaardda

Geesta kale, Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqaday Xarunta Bankiga maamulka iyo Dhismaha Xarunta Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Nugaal.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...