Saturday, March 14, 2026
26.6 C
Mogadishu

Dowladaha Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya xiriirkooda laba dhinac

Tunisia(Halqaran.com) – Waxaa Magaalada Tunis ee Caasimadda Tunisia maanta lagu soo gabagabeynayaa shirka Tokyo ee Horumarinta Afrika (TICAD) oo ah kulankii 8aad ee Xukuumadda Japan la qaadatay madaxda Qaaraddaan.

Xukuumadda Tokyo ayaa sheegtay in ay maalgashi ku sameysaneyso Qaaradda Afrika si ay u xoojiyo xiriirka guud iyo kan gaarka ah ee kala dhaxeeya waddamada ka qaybgalaya Shirkaan sida lagu muujiyay qoraal kasoo baxay Dowladdaas.

Ra’iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida oo shirka uga qaybgalaya Muuqaalka Fogaan-aragga ayaa gunaanadka jeedin doonna khudbad uu uga hadlayo muhiimadda waddankiisa ay u leedahay Qaaradda Afrika.

Waxaa la filayaa in uu sameyn doonno ballanqaadyo horleh oo uu ku shaacinayo dhaqaalaha Xukuumadda Tokyo ay ugu talagashay in ay ku bixiso maalgashiga Afrika, waqtiga ay fulineyso qorshahaan & ku dhawaaqista kulanka kan xiga.

Soomaaliya waxaa ku metalaya Shirkaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre, waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay mas’uuliyiin kala duwan sida dhiggiisa Jabuuti, Madaxweynaha Tunisia ee kulanka martigeliyay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Japan & madax kale.

Japan ayaa xoogga saareysa sidii ay gacanteeda ugu heyn lahayd xiriirka ay la wadaagto Qaaradda Afrika iyada oo fursaddaas ka dhex aragtay in ay ku wiiqi karto loolanka ay wadaan Mareykanka, Shiinaha & Ruushka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...