Wednesday, April 22, 2026
29.5 C
Mogadishu

Madaxweyne Qoorqoor oo wafdi ka socda DF Soomaaliya ku qaabilay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay sii-hayaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DF Soomaaliya, Mudane Xamsa Saciid Xamsa, iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo arrimo shaqo u yimid Dhuusamareeb.

Qoorqoor ayaa warbixin ka dhagaystay Sii-hayaha wasaaradda Gargaarka XFS iyo Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Galmudug, mudane Abdirahman (Makaawe).

Madaxweynaha Galmudug, ayaa bogaadiyey deddaalka wasaaradda ee arrimaha gargaarka, la tacaalida masiibooyinka iyo halis wadareedka.

Ujeedka safarka Sii-hayaha Wasiirka Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa ay la xiriirtaa sidii qalab kala duwan oo lagu ogaado masiibooyinka loogu wareejin lahaa maamulka Galmudug.

Ugu dambeyn, qalabkaan ayaa horey waxaa loo gaarsiiyay dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo Wasaaradda ay ku wareejisay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...