Saturday, May 30, 2026
26.1 C
Mogadishu

Madaxweyne Qoorqoor oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay +(Ogow Ujeedka Safarkiisa)

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa Isniintii maanta soo gaareen Magaalada Muqdisho.

Qoorqoor iyo Wafdigiisa ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo daweeyay Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee BF Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Qoorqoor oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in socaalkaan uu yahay kii ugu horreeyay uu Muqdisho ku yimaado tan iyo doorashadiisi, isla markaana u jeedka uu u yimid ay tahay howlihii nabada iyo horumarka uu ka waday deegaannada Galmdug.

Mr. Qoorqoor ayaa sheegay in inta uu ku suga yahay Muqdisho uu kulamo kala duwan la qaadan doono Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka oo uu wadatashiyo kala duwan la yeelan doono, in kastoo uusan faah-faahin.

Socdaalka madaxweynaha Galmudug uu ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa kusoo beegmaya, xilli kalsoonidii ay BFS kala noqdeen Ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...