Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, kuna taariikhaysan 20/2/2021 ayaa lagu magacaabay taliska guud ee ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug.
Wareegtada ayaa u qorneen sida hoose ku xusan:
Madaxweynuhu: Markuu arkay; awoodda uu siinayo dastuurka & ahmiyada ay leedahay in la magacaabo taliska guud ee ciidanka Daraawiishta Galmudug.Markuu La-Tashaday; Madaxweyne-ku-xigeenka, tixgeliyeyna aqoonta iyo waaya-aragnimada ay u leeyihiin maamulka ciidanka, howlaha amniga iyo deegaanka
Wuxuu u magacaabay saraakiishan;
- G/le Sare Maxamed Nuur Cali (Gidaar), Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Galmudug
- G/le, Cabdikariin Maxamuud Maxamed (Kheyre),Taliye kuxigeenka Ciidanka Daraawiishta Maamulka Galmudug.
Waxaa lafarayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee Galmudug in ay la shaqeeyaan taliska cusub ee la magacaabay si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





