Sunday, April 19, 2026
28.2 C
Mogadishu

Madaxweyne Qoorqoor oo Dhuusamareeb kulan kula yeeshay Odayaasha Xeraale iyo Huurshe

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa waxaa uu magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Deegaanada Xeraale iyo Huurshe.

Qoorqoor ayaa Odayaasha Xeraale iyo Huurshe ka dhageystay warbixin la xiriirta, sida uu u dhaqangalay heshiiskii nabadeed ee kal horey uu dhex dhigay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.

“Madaxweynaha Galmudug oo ku gudajira nabadeynta deegaanada Galmudug iyo sidii xal waara looga gaari lahaa, looguna wada noolaan lahaa nabad iyo iskaashi, Hormar.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyadda Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha JF Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa sanadkii hore heshiis nabadeed kala dhex dhigay Odayaasha Dhaqanka Xeraale iyo Huurshe, ka dib muddo saddex sano oo ay u dhaxeysay colaad, ay dad badani ku waxyeeloobeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...