Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu wareegto madaxweyne Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee ku xiran xabsiyada ku yaalla deegaannada Somaliland.
Wareegtada cafiska ah ee ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliland ayaa u dhignayd Sidan:-
Markaan Arkay: Somaliland, Qodobka 90aad, Farqadiisa 5aad;
Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta e ku taariikhaysan 12/04/2022;
Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee 4 ku taariikhaysan 12/04/2022;
Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;
Waxaan Go’aansaday;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis u fidiyo, munaasibadda ciidda Fidriga awgeed maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xiran, oo tiradoodu dhan tahay 360 (Saddex Boqol iyo Lixdan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raad ciqaabeedka, ka dhalanaya dembiyadda ay ku xukunnaayeen.
Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





