Thursday, June 4, 2026
27.8 C
Mogadishu

Madaxweyne Laftagareen oo Xilalkii ka xayuubiyay wasiirro, kuwa cusub-na magacaabay

Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Laftagareen, ayaa xilalkii ka qaaday xubno ka mid Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed.

Laftagareen ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa wuxuu xilalkii uga qaaday wasiirka waxbarashada Cabdraxmaan Cismaan Malaaq, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Feysal Cabdullaahi Cali iyo wasiir ku xigeenka waxbarashada Jabriil Maxamuud Aadan.

Xilka wasiirka waxbarashada ayaa loo magacaabay Maxamed Yuusuf Xasan, halka wasiirka shaqada iyo shaqaalaha loo magacaabay Cabduqaadir Cumar Cabdllaahi, sidoo kale wasiir ku xigeenka waxbarashada ayaa loo magacaabey Cabdifitaax Isaaq Maxamed.

Waxaa lagu sheegay sababta xil ka qaadista loogu sameeyay Wasiiradan, inay tahay si loo horumariyo Wasaaradihii ay ka shaqeynayeen Wasiirada xilalkii laga qaaday.

Si kastaba, digreetada xil ka qaadista iyo magacaabista ee Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ka soo baxday, ayaa waxaa Saxaafadda u aqriyay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Maamulkaasi Maxamed Cali Ibraahin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...