Madaxweyne Laftagareen oo markii ugu horreysay ka hadlay Xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen
Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen

Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Maxamed Xasan (Laftagareen) ayaa ka hadlay xariga Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo muddo sanad ah u xiran dowladda Federalka Soomaaliya.

Laftagareen oo wareysi siiyay Tv-ga Somali Cable, ayaa sheegay inuusan xirnayn Roobow, balse uu degan yahay guri caadi ah oo ku yaallo Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay inuu booqday oo uu soo salaamay Roobow, islamarkaana ay ka maqan tahay kaliya xurriyada dhaq dhaqaaqa iyo Arrimaha Siyaasadda.

“Mukhtaar Roobow waa soo sallaamay, waa caafimaad qabaa, guri ayuu degan yahay, ma xirno, waxaa u dhiman kaliya xuquuqdiisa kale sida dhaq dhaqaaqiisa iyo dhaqaaqa siyaasaddiisa, taasna waa ka shaqeyneynaa sidii uu u heli lahaa, ”Ayuu yiri Laftagareen.

Sidoo kale, madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xusay, in uu xaliyay intii badnayd rabshadihii ka dhacay Magaalada Baydhabo ee ka dhashay doorashadii isaga lagu doortay.

Muddo sanad ah ayaa laga joogaa markii Ciidamada dowladda Magaalada Baydhabo ay ka soo xireen Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo iminka u xiran dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com