Friday, March 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

UPDATE: Ciidanka Xoogga dalka oo dib uga saaray Al-Shabaab deegaanka Goofgaduud & Wararkii ugu dambeeyay

Goofgaduud (Halqaran.com) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa waxay dib ula wareegeen gacan ku haynta Deegaanka Goofgaduud Buurey, oo dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa subixii Isniinta maanta weerar gaadmo ahaa kula jarmaaday Deegaanka Goofgaduud Buurey, xilli ciidan yar ay ku sugnaayeen, waxaana u suurtagashay inay la wareegaan halkaasi.

Ciidan gurmad ahaa oo laga diray Magaalada Baydhabo oo isugu jira Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa waxay dib ugala wareegeen Al-Shabaab Deegaanka Goofgaduud.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen toban qof oo labada dhinac ah, tiro kalena ay ku dhaawacantay. Dhaawacyada askarta ayaa loo soo qaaday Magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha Deegaanka Goofgaduud Buurey Xasan Mayow Isaaq, ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ku ammaanay inay si adag ula dagaalameen mintidiinta Al-Shabaab.

Xasan Mayow Isaaq, ayaa tilmaamay inay galabta degan tahay xaaladda Goofgaduud Buurey, ayna jooggaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Si kastaba, weerarkan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, xilli Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Cirro) uu Sabtidii sheegay inay qaadi doonaan guluf lagu furaayo waddooyinka iyo deegaanada ay Shabaabku go’doomiyeen ee ka tirsan Koonfur Galbeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...