
Muqdisho (Halqaran.com) – Nin Ajnabi oo dhaqtarnimo uga shaqeynaayay Soomaaliya ayaa ku kacay fal uu ku dharbaaxay gabar Soomaaliyed, kadibna wuxuu ka baxsaday dalka.
Ninkaan oo u dhashay dalka Masar, ayaa wuxuu ka shaqeynaayay Isbitaalka Masaarida, gabadha uu dharbaaxayna, waxa ay ka hawlgaleysay isbitaalkaasi.
Sida ay sheegtay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur, ninkaasi oo la xiray ayaa lagu sii daayay qaab dammaanad ah, waxaana uu ugu dambeyn ka baxsaday dalka.
Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegtay qof kasta oo Ajnabi ah, islamarkaana fal tacadi ah u gaysta qof muwaadin ah sharciga la horgayn doono.
Dhaqaatiir kala duwan oo Ajaanib ah ayaa ku sugan Soomaaliya kuwaasi oo ka hawlgala Isbitaalada ku yaala Muqdisho, waxaana Ajaanibtaasi qaarkood ay sameeyaan falal ay ku maagaan muwaadiniinta Somaliyed.
Wasiirka Caafimaadka oo hadalkaan ka sheegtay Golaha Shacabka ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ka codsatay inay ansixiyaan Sharciga Mihnadlayaasha Caafimaadka oo ay ku jiraan qodobo xakameynaya sida dhaqaatiirta Caafimaadka Ajaanibta ah dalka uga howlgeli karaan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





