Wednesday, December 10, 2025
27.4 C
Mogadishu

Madaxweyne Laftagareen oo dib ugu noqday Baydhabo +(SAWIRRO)

Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Arbacada maanta ah dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo, kadib markii muddooyinkii dambe uu ku sugnaa Caasimadda Muqdisho.

Laftagareen iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.a

Madaxweynaha ayaa soo dhaweyn kadib loo galbiyay Xarunta Madaxtooyadda Baydhabo, halkaasi oo ammaankeeda si wayn loo adkeeyay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho, wuxuu kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya oo uu kala hadlay horumarinta deegaanada Maamulka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...