Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa Talaadada maanta ah aqalka martida ku qaabilay Safiirka Dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster oo booqasho ku tagtay Magaalada Kismaauo.
Kulanka ayaa lagaga hadlay tageerada Dowlada Ingiriiska ee dhinacyada kala duwan gaar ahaan sidii xal waara loogu heli lahaa musiibooyinka soo noqnoqdaniyo nabadgalyada.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii Dowlada Ingiriiska ay u bilaabi lahayd mashariic hormarineed iyo tageero dhinacayada kala duwan ah oo ay ka fulin doonto Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa uga mahad celiyay dowladda Ingiriiska taageerada ay siiso Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland oo mashaariic dhowr ah ka fulisay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





