Monday, April 20, 2026
29.2 C
Mogadishu

Madaxweynaha JF Soomaaliya Xasan Sheekh oo maanta dalka dib ugu soo noqday

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah oo qaadatay Afar maalmood ku joogay waddanka Ereteriya ayaa dalka dib ugu soo laabtay.

Booqashada Madaxweynaha ayaa salka ku haysay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo u kuur-galidda xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin ciidamada Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu ku sugnaa dalka Ereteriya waxaa uu xerooyinka ku booqday Ciidamada Soomaaliya loo tababarayo, kuwaas oo muddo sanado ah wacaalkooda la la’aa, isla markaana waalidiintooda ay ka walaacsanaayeen.

Labada Madaxweyne ayaa gunaanadkii booqashada kala saxiixday heshiis is af-garad oo taabanaya dhinacyo kala duwan oo ay kamid yihiin niga, Siyaasadda iyo Ganacsiga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...