Wednesday, April 29, 2026
31.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo ugu hambalyeeyey Sanad guurada 77-aad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda 77-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay naftooda u huraan xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka si Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay nabad ugu noolaadaan dalkooda.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa Astaan qaran iyo midnimo, waxa ayna u taagan yihiin xaqiijinta amniga dalka si dadkeennu ay nabad iyo xasillooni ugu noolaadaan, sidaas awgeed waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay ku garab istaagan gudashada waajibaadkooda qaran”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladdu ay ku xoojinayso ciidamada, kor u qaadidda tababarradooda, joogteynta iyo kordhinta mushaarkooda, iyada oo la hirgeliyey hannaan askari kasta uu si toos ah ugu helaayo xuquuqdiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed doorkooda ku aaddan ka miro-dhalinta qorsheyaasha muga weyn ee dib-u-dhiska iyo xaqiijinta amniga dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...