Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhanbaal hambalyo ah u diray madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo markale dib loo doortay.
”Waa guul xoojinaysa horumarka iyo xasilloonida gobolka, Waxaan ku kalsoonahay in aad dardargelin doonto horumarka iyo wax wada qabsiga dalalka gobolka” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu dabacay twitter Maxadweynaha.
Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle ayaa markii Shanaad loo doortay xilka madaxtinimo ee dalka Jabuuti, isagoo helay codad gaaraya boqolkiiba 98, sida lagu baahiyay warbaahinta dalka Jabuuti.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





