Saturday, May 30, 2026
27.4 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo magacii ka baddelay magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qeybgalay munaasad lagu xirayay wajiga 3-aad ee Shirka Dhuusamareeb ayaa sheegay in uu Magaca ka bedelay Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay, in marka la’eego dhawaqa magaca magaalada Dhuusamareeb uu ka bedalanyahay magaalooyinka kale ee dalka.

“Waxaa dhowr jeer la ii keenay soo jeedin la iyiri magaaladaan waa Taariikhi magaceeduna waa magac ka duwan magacyada magaalooyinka Soomaalida marka si aan u casriyeyno magaca magaalada waxaa madaxweynaha iyo Masuuliyiin badan iga codsadeen inaan ugu dhawaaqo magac kale oo la yiraahdo SAMAREEB” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dad farabadan ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay go’aankaan uu qaatay Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee magacii Magaalada Dhuusamareeb u bedelay (SAMAREEB)

Ilaa iyo hadda lama oga sida uu ku hirgeli doono magacaan cusub, maadaama muddo fog magaaladaas loogu yeeri jiray Dhuusamareeb.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...