Sunday, March 15, 2026
28.3 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo ku adkeystay in DF Soomaaliya ay diyaar u tahay ‘la wareegidda Amniga dalka’

Addis Ababa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galaya Meertada 35-aad ee Shir-madexeedka Midowga Afrika ayaa khudbad ka jeediyey fadhi uu Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ku soo bandhigayey warbixin ku saabsan xaaladda guud ee nabadda iyo amniga Qaaradda Afrika.

Farmaajo oo ka warbixiyey guulaha la taaban karo ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka xaqiijisay la dagaallanka Al-Shabaab iyo nabad ku soo dabbaalidda Dalka, ayaa xusay muhiimadda ay qaaraddeenna u leedahay in meel looga soo wada jeesto Al-Shabaab iyo ururrada kale ee argagixisada ah.

“Argagixisada Al-Shabaab waxa ay khatar ku tahay dhammaan nolosha dadka Qaaradda Afrika. Qorsheyaasha Golaha Nabadda iyo Ammaanku waa in ay noqdaan kuwo midaynaya dhammaan dadaallada iyo cududda aan kaga hortegayno khataraha inagaga imaanaya  argagixisada Alshabaab iyo kooxaha kale  ee xagjiriinta ah.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaliya ay ka go’an tahay la wareegidda masuuliyadda amnigeeda qaran, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in ay si buuxda ugu diyaar garoobeen fulinta heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanku gaareen Bishii koowaad ee sannadkan, kaas oo  jeexayey dhabbaha la wareegidda amniga oo ku qotoma hagitaannada iyo jihaynta ka soo fula dowladda Soomaaliya.

“Soomaaliya waxa ay sannadihii la soo dhaafay ku tallaabsatay horumar ballaaran oo dhanka amniga, dib-u-dhiska ciidanka iyo wiiqidda awoodda argagixisada Alshabaab, waxa ayna taasi keentay in soomaaliya ay hadda soo gaartay xilligii ay si buuxda u la wareegi lahayd masuuliyadda amnigeeda qaran.”

Ugu dambeyn, shirka oo maalintiisii labaad galay, waxa Madaxweynaha iyo Wafdigiisu ay ku soo bandhigi doonaan halkaas, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, ka soo kabashada saamaynta COVID-19, wax ka qabashada fatahaadaha, ka gaashaamashada abaaraha, la dagaallanka ayaxa, iyo arrimo kale oo quseeya Soomaaliya iyo Qaaradda Afrika.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...