Beledweyne (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe oo markii ugu horreysay Axaddii maanta safar ku gaaray Magaalada Beledweyne tan iyo doorashadiisii ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan tabashada ay Maamulkiisa ka qabaan Reer Hiiraan iyo Arrimaha doorashooyinka.
Mr Guudlaawe oo ka hadlayay munaasabad lagu soo dhaweeyay ayaa sheegay in Alle mahadiis ay tahay in si nabad ah uu ku gaaro Beledweyne, isaga oo u mahadceliyay duubabka dhaqanka, Ciidanka amniga iyo madaxda Hirshabelle.
Madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in Bulshada Reer Hiiraan hortooda uu ka caddeynayo in tabasho walbo oo jirto ay xallin doonaan.
“Masuuliyadda waa meerto qofba mar ayuu qaban, waxaana muhiim ah in qofka markaasi haaya uu dadka isku hayo, iska markaana fursad la siiyo‘‘, ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ugu dambeyn wuxuu caddeeyay in uu u cadaalad fali doono Reer Hirshabelle, sidoo kalana Beledweyne doorashada ay ka dhici doonto, isaga oo rajeeyay in bulshada iyo Ciidanka ka qeyb qaataan sugida Amniga Magaalada.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





