Sunday, December 14, 2025
26.5 C
Mogadishu

RW Rooble iyo Qoor Qoor Maxay Kawada Hadleen? AKHRISO

Muqdisho (Halqaran.com) –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ay wada qaateen kulan gaar ah.

 

Kulanka Rooble iyo Qoor Qoor ayaa diiradda lagu saaray dardargalinta iyo dhammeystirka doorashooyinka, xilli doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka lagu wado in la soo gabagabeeyo 25 Febraayo 2022.

 

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa uga mahad celiyay RW  dadaalkiisa ku aadan dhameystirka Arrimaha doorashooyinka, isaga oo balan qaaday in Galmudug ay deg deg ku dhameystiri doonto Xubnaha uga harsan doorashada Golaha Shacabka.

 

Qoorqoor ayaana Ra’iisul wasaaraha ka dalbaday siduu ugala shaqeyn lahaa maamulkiisa Gargaar la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku sugan deegaano kamid ah Gobolka Mudug.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isku soo qaaday la dagaalanka Al-shabaab, iyo howlgallada ay Ciidamada Dowladda ka wadaan deegaanada Galmudug iyo sidii oo sii xoojin lahaa.

 

Kulanka u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Dowlad Gobaleed Galmuduga Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor waxaa goob joog ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Al cadaala.

 

Qoor Qoor oo ku sugan Muqdisho Maalmahaan ayaa waday kulamo uu la yeelano Madaxda kale duwan ee dalka iyo Safiirada u fadhiya Soomaaliya Dalalka Caalamka Muqdisho.

 

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...