Wednesday, January 21, 2026
25.1 C
Mogadishu

Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo gaaray Magaalada Baraawe. (Sawiro)

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyaha Ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana garoonka diyaaradaha Baraawe ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu kamid yahay guddoomiye ku-xigeenka amniga gobolka Shabeellada Hoose iyo saraakiisha ciidanka xoogga ee ku sugan Baraawe.

 

 

Dhanka kale Taliyaha ayaa halkaasi u tagay Indhaindheeynta Doorshada golaha shacabka oo dhawaan ka dhici doonta Magaalada Baraawe Sidda ay shegeen Guddiga Doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

 

 

 

Sido Kale Taliyaha ayaa inta uu joogo Baraawe  waxaa uu kulamo la qaadan doono Saraakiisha Ciidamada iyo masuuliyiin Degmada Baraawe, Waxaana halkaasi uga sii horeeyay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed iyo Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed.

 

 

 

Baraawe ayaa ah Magaalada labaad ee loo asteeyay doorashada koonfur Galbeed  waxaana dhawaan ka dhicidoonto doorashada kuraas kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...