Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida Eng. Maxamed Cumar Saalixi

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid AUN Eng. Maxamed Cumar Saalixi oo ka mid ahaa dadkii dadaalka badan ku bixiyay difaaca dalka Soomaaliya gaar ahaan badda ay muranka gelisay Kenya.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Eng. Maxamed Cumar Saalixi.

Qoraalka madaxweynaha ayaa u qornaa sida:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cumar Saalixi ayaa tilmaamay dadaalka Marxuumku uu ku bixiyey kiiska dacwadda baddeenna ee horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.

Madaxweynaha ayaa xusay taariikh nololeedka Marxuumka oo ku suntanaa dal jaceyl iyo howlkarnimo, taas oo ay ka mid tahay in Sarreeye Gaas Maxamed Cumar, Alle ha u naxariistee, uu soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Wasiir Ku-xigeen, Hoggaanka Sahanka iyo Maababka Wasaaradda Gaashaandhigga, isaga oo hormuud u ahaa hirgelinta mashaariic horumarineed oo dalka laga fuliyey siddeetamaadkii.

“Alle ha u naxariistee Maxamed Cumar Saalixi waxaa uu laf-dhabar u ahaa dadaallada keydinta xogta dhuleed iyo badeed ee dalkeenna, isaga oo ka soo qeyb-qaatay sameynta maabab dalku uu leeyahay, haatanna waxa uu xubin ka ahaa Guddiga Qaran ee difaaca kiiska dacwadda baddeenna ee hortaal Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle u weydiiyey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka XFS ayaa tacsi u diray qoyskii, asxaabtii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geerida Allaha ha u naxariistee Eng.Maxamed Cumar Saalixi.

Eng. Saalixi wuxuu ahaa udub dhexaadka kooxda difaaca baddeenna ee dacwaddeedu hortaallo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee Hague, waxa uu ahaa aqoon yahan iyo khabiir aqoon durugsan u leh arrimaha khariidooyinka, cabbirrada dhulka iyo culuumta badaha (Geodesy).

Allaha u naxariistee marxuumku waxa uu dalkiisa ugu soo adeegay si hagar la’aan ah, waxaana si gaar ah loogu xusuusan doonaa kaalintiisii difaaca baddeenna, isagoo door muuqda ku lahaa heerarkii ay soo martay dacwadda baddeenna ee dhex taalla Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaan marxuumka Alle uga baryayaa in uu jannadii Fardowso ka waraabiyo ehelkiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeedna sabar iyo iimaan uu ka siiyo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...