Sunday, January 18, 2026
24.8 C
Mogadishu

Madaxweyne Deni oo war ka soo saaray heshiiskii Puntland iyo DP World ee Dekedda Boosaaso

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Axadda maanta furay kal-fadhiga 47aad ee golaha Wakiiladda Puntland ayaa soo hadal qaaday waxyaabaha ka qabsoomay heshiiskii maalgashiga ee dekadda Boosaaso, kaas oo dhex-maray sanadkii 2017-dii Xukuumadii Madaxweynihii xiligaas ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Shirkadda DP World ee laga leeyahay wadanka Imaaraadka Carabta.

Mr. Deni ayaa sheegay in ay siweyn ula socdeen xaaladaha ka jira dekadda weyn ee Magaalada Boosaaso, islamarkaana Puntland ay wada-hadal kula jirto Shirkadda DP World si loo xaliyo dhaliilaha kajiro dhinaca Shirkadda.

Madaxweynaha Puntland ayaa intaasi raaciyay in Puntland ay ku daddaaleyso in caqabadaha ay kala kulmeen Shirkadda DP World uusan saameyn ku yeelan xiriirka ay Puntland la leedahay Dowladda imaaraadka Carabta.

Wuxuu sidoo kale xusay, in ay ku rajo weyn yihiin inay arrintan wax ka qabtaan ayna dareensan tahay Xukuumaddiisu warka kasoo yeeraya shacabka oo ay ka jawaabeyso.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa baaqashada kulankii ay DP WORLD diiday in ay ku qaabisho madaxda Puntland sabab uga dhigay cudurka COVID19, balse uu sheegay in arrintaasi ay Shirkadda DP World xal u keeni doonto Shacbakana looga baahan yahay inay Shacabka Puntland ku kalsoonaadaan Xukuumadooda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...