Sunday, April 19, 2026
27.7 C
Mogadishu

Al-Shabaab oo sheegtay inay la wareegtay deegaanno ka tirsan Gobolka Sanaag

Sanaag (Halqaran.com) – Ururka Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay sheegtay inay awood maamul ku yeesheen deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, islamarkaana xubno ka tirsan ay deegaanadaasi la wareegeen.

Warar ay ku daabaceen baraha ay ku leeyihiin internet-ka ayaa waxaa ay ku shaaciyeen inay la wareegeen deegaannada kala ah Mirici, Masha-caleed, Xabaasha Aw-Cali iyo Markeet. Deegaanadaan ayaa ku yaalla duleedyada degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag.

Magaalada Laasqoray ee gobolka Sanaag iyo tuulooyinka hoostaga ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaallamay oo gacan ku heyntooda isku heysay Ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland, balse ay haatan sheegteen inay la wareegeen Al-Shabaab.

Inta badan deegaannada gobolka Sanaag ayaa waxaa ay kamid ahaayeen deegaannada ugu amniga wanaagsan gobolada dalka, marka laga reebo dagaalo mararka qaar dhex-mara Ciidamada Somaliland iyo Puntland walow labadii sano ee la soo dhaafay uusan dhicin dagaal toos ah oo dhex-mara labada dhinac.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...