Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, ku sii qul-qulaya wufuud kala duwan, kuwaasi oo doonayay inay ka qeybgalaan Shirka madaxda sare ee DF Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka.
Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdulaahi Deni iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor-dhow gaaray magaalada Dhuusamareeb.
Deni oo dhawaan dib uga noqday magaalada Garoowe, wuxuuna halkaasi kaga qeybgalay aaska allaha u naxariistee, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi.
Geesta kale, waxaa magaalada Dhuusamareeb gaaray wafdi ka socda maamulka gobolka Banaadir oo uu ka mid yahay agaasimaha guud ee arrimaha bulshada gobolka Banaadir Maxamed Axmed Cantoobo.
Wafdigan ayaa waxa uu hordhac u yahay wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho oo maalinta berri lagu wado inuu tago magaalada Dhuusamareeb.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





