Tuesday, October 28, 2025
27.8 C
Mogadishu

Madaxweyne Biden oo sheegay Waqtiga uu hubka dilaaga Taangiga siinayo Ukraine

Washington (Halqaran.com) – Madaxweyne Jose Biden ayaa toddobaadkan ku dhawaaqay in Maraykanku uu Ukraine siin doono baabuurta dagaalka ee Bradley, si loogu isticmaalo dagaalka ka dhanka ah duullaanka Ruushka, tallaabadaas oo ay khubaradu sheegeen in ay wax weyn ka tari doonto.

Bradley waa hub oo xoog badan oo awood u leh inay burburiso taangiyada cadowga. Waxa kale oo loo isticmaali karaa in lagula socdo goobaha dagaalka iyo in si degdeg ah loo dhaqaajiyo tiro yar oo ka mid ah ciidamada lugta, iyagoo bedqaba.

Hubkan Bradleys ayaa wuxuu qeyb ka yahay xirmo gargaar oo weyn oo dhan $2.85 bilyan oo Mareykanku uu u ballan qaaday Ukraine.

Ku dhawaaqista ayaa soo baxday isla maalita hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz uu sheegay in dalkiisu uu siin doono gaadiidka dagaalka ee Marder, oo la mid ah Bradleys, iyo nidaamka difaaca hawada ee Patriot.

Maalin kahorna, Faransiiska ayaa ku dhawaaqay inuu bixin doono baabuurta gaashaaman ee dagaalka ee AMX-10 RC.

Tallaabooyinkan ayaa muujinaya kordhinta taageerada Ukraine ee Maraykanka iyo xulafadiisa, kuwaas oo ka warwareegayay inay soo diraan nidaamyada sida Bradley iyaga oo ka baqayay in Ruushku kasii caroodo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...