Tuesday, June 2, 2026
26.7 C
Mogadishu

Madaxweyne Axmed Madoobe oo amray in la joojiyo dagaalka duleedka magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Madoobe

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa amray in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedka duleedka magaalada Kismaayo oo ay dad badani ay ku dhinteen.

Axmed Madoobe ayaa sheegaya in ay jiraan gacmo ka baxsan maamulka Jubbaland oo dhibaato ku haya dadka deegaanka uu dagaalka ka socdo, islamarkaana ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Sidoo kale, madaxweynaha Jubbaland ayaa xusay, in maamulka Jubbaland ay ciidamo kala dhex dhigi doonaan beelaha ku dagaallamaya duleedka Kismaayo.

Halka hoose ka akhriso War-murtiyeedka:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...