Tuesday, June 2, 2026
26.9 C
Mogadishu

UPDATE: Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukun dil ah ku riday Askari

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Sabtidii maanta waxa ay xukunno kala duwan ku ridday rag horay dil uga geystay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay, Maxamed Cabdi Nuur Geeddi (Madax-yareey) oo horay u dilay marxuum, Shaafici Cabdi Xaaji Diiriye.

Waxaa sidoo kale Shan Sano oo xabsi Ciidan ah maxkamaddu ay ku ridday, Maxamed Cabdiwali Xasan (Boqol) oo ay ka billaabatay shaqaaqadii lagu dilay marxuumkaas.

Dilkaas ayaa ka dhacay Degmada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug 28 kii Maarso ee Sanadkan 2020-ka.

Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda ayaa ku dhawaaqay in Maxamed Cabdi Nuur lagu riday xukun Dil toogasho ah oo ah qisaastii Shaafici Cabdi, halka Maxamed Cabdiweli isna lagu xukumay Shan Sano oo Cabsi Ciidan ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...