Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynayaashii hore ee dowlad Goboleedka Puntland Sanoter Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyo siyaasiyiin kale oo uu kamid yahay Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa War-saxaafadeed kasoo saaray dagaalkii Garoonka Magaalada Boosaaso ku dhexmaray Ciidamada PSF iyo kuwa PMPF, kaas oo geystay lhasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen Siyaasiyiintaas ayay ku eedeeyeen Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar inay mas’uul ka tahay dagaalkii ka dhacay Garoonka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, isla markaana ay hareer martay nidaamka dowladnimo.
Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu soo banhigay sida Siyaasiyiintaan ay uga xun yihiin dhacdadaas, iyaga oo baaq u diray Madaxda dowladda iyo kuwa Puntland, waxaana qodobada ugu muhiimsan Warsaxaafadeedka kamid ah.
1 – Waxaan annagoo aad uga murugeysan ka tacsiyeyneynaa geerida iyo dhaawaca naxdinta leh ee ka dhalatay qalalaasihii ka dhacay Boosaaso 11kii Bishaan June ee sanadkan 2022. Waxaan inti dhimatay Alle uga baryeynaa naxariis iyo dembi dhaaf ehelkoodana samir iyo imaan. Inta dhaawaca ahna Allaha silyo caafimaad dhaqsa ah.
2 – Waxaan si xoogganu cambaareyneynaa cidda masuulka ka ah dhibtaas weyn ee dhalisay dhimashada iyo dhaawaca, khalkhalkana gelisay xasiloonida Puntland.
3 – Waxaa cad in dhibkii halkaa ka dhacdey iney mas’uul ka tahay Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Barlamanka Golaha Shacabka JFS Sacdiya Salaad Samatar iyadoo baalmartey nidaamkii dowliga ahaa oo dalku lahaa.
4 – Waxaan ugu baaqeynaa geybaha kala duwan ee reer Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso inay ilaashadaan nabadda, xasiloonida iyo nidaamka dowladnimo ee Alle ku mannaystay.
5 – Puntland waxay leedahay Maamul la doortay iyaga ayaan ah dariqa ugu mudan ee ay tahay in la maro xirirka Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Puntland.
6 – Waa in laga fogaado wax kasta oo wax u dhimi kara isla shaqaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada.
Ugu dambeyn, guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Xaaji Samatar ayaa kadib dhacdadii Boosaaso sheegtay in Madaxda Puntland ku wargelisay socdaalkeeda, hayeeshee arrintaasi ay waxba kama jiraan ku tilmaameen Guddoomiyaha Gobolka Bari iyo Wasiiro katirsan Maamulka Puntland.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





