Tuesday, April 21, 2026
29 C
Mogadishu

Madaxweynaha Sri Lanka oo ka cararay dalkiisa

Sri Lank (Halqaran.com) – Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa diyaarad militari uga baxsaday dalkiisa, iyadoo ay socdaan bannaan baxyo waaweyn oo looga cabanayo xasaradda dhaqaale ee dalkaasi ka taagan.

Gotabaya, oo 73 jir ah ayaa sida la sheegay gaaray caasimadda Maldives, ee Male, abbaaro 03:00 xilliga dalkaas, sida ay xogta ku heshay warbaahinta.

Bixitaanka Rajapaksa ayaa soo afjaraya xukunka qoyska uu ka dhashay oo tobnaan sano gacanta ku hayay talada Sri Lanka.

Wasiirkii hore ee maaliyadda Basil Rajapaksa, ayaa sidoo kale dalkaasi ka tegay, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Warbaahinta, waxana sidokale la sheegay inuu ku sii wajahan yahay Mareykanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...