Sunday, March 15, 2026
27.2 C
Mogadishu

Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo lagu kulansiiyay dalka Jabuuti (Maxaa cusub)

Jabuuti (Halqaran.com) –  Waxaa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti oo uu ka socdo Shir Madaxeedka Urur goboleedka IGAD ayaa waxaa ka bilaawday kulamo lagu dhex-dhexaadinayo dowladaha Soomaaliya & Kenya oo uu khilaaf xoogan ka dhaxeeyo.

Madaxweynaha Jambuuriyadda dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle & Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa garwadeen ka ah labada dhinac, iyada oo kulanka ay goobjoog ka yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

Ismaaciil Cumar Geelle iyo Abiy Axmed ayaa waxaa ay ku booriyeen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata in khilaafkooda ay ku xaliyaan qaab wada-ahdal diblumaasiyadeed ah, isla markaana dhankooda ay qeyb ka qaadan doonaan.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka kaga hadlay kulanka ay yeesheen Madaxweynayaashha, Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti, kaas oo uu qeyb ka ahaa.

“ Awoodda xasilloonida gobolkeennu waxay ku saleysan tahay iskaashiga iyo horumarka. Waxaan ku faraxsanahay haddaan nahay hoggaamiyeyaasha inaan miiska wada-hadalno oo aan ka wada hadalno arrimaha cakiran ee ka taagan gobolkeenna‘‘ ayuu yiri RW Abiy Axmed.

Ugu dambeyn, Madaxda ayaa intaasi kadib u gudbay ka qeyb-galka Shirka Madaxda IGAD oo waxyaabaha looga hadlayo ay kamid yihiin khilaafka u dhaxeeya dowladaja Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...