Thursday, June 18, 2026
26.5 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo ciidamo horleh ku daabushay gobolka Gedo +(SAWIRRO)

Doolow (Halqaran.com) – Ciidamo oo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor kuna hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay maanta diyaarado ku geysay degmada Dooloow oo ka tirsan gobolka Gedo.

Ciidamada ayaa waxaa hoggaminaya Taliyaha Ururka 9aad Ee Kafdiid, Liibaan Xasan Cali, iyada oo garoonka diyaaradaha degmada Doolow ay ku soo dhaweeyeen Saraakiil uu horkacayay Taliyaha Howlgalinta Guutada 17aad Ee Gorgor Kabtan Cumar Deeq Xassan iyo Xubno kale.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Gobolka Gedo, Nasteex Cabdi Saalax iyo Guddoomiyaha Degmada Dolow, Cali Farax Mire oo kamid ahaa Xubnaha ciidamada soo dhaweeyay ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay ka qeyb qaadan doonaan sugida Amniga Xaduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Horay dowladda Soomaaliya waxaa ay diyaarado ku geysay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, waxaana Ciidamadan maanta ay geysay ay kusoo aadayaa xilli xiisad dagaal iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka socdaan degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...