Jabuuti (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi ballaaran ee uu hoggaaminayey ayaa gaaray dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.
waxana garoonka magaalada Jabuuti si diirran ugu soo dhaweeyey Ra’iisal wasaaraha dalka Jabuuti, Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed.
Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo, ayaa ugu horrayn soo dhaweyn maamuuskeedu sarreeyo kala kulmay Ra’isal wasaaraha, kaas oo ku qaabilay garoonka Diyaaradaha, waxaana loo gelbiyey qolka madaxda ee VIP-da oo ay qadar nasasho ah ku qaateen.
Madaxweynaha waxa safarka ku wehelinaya xubno kamid ah golaha wasiirrada oo ay kamid yihiin wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi, gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid oo isagu ku sii sugnaa dalkaasi, iyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti, Amb Cabdifataax Siciid Axmed.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





